U bood dhigaalka

Ra’isul Wasaare Kheyre Oo Jimcaha Ka Khudbeyn-doona Fadhiga Jimciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa

Sheeko:Dalka

Sida uu jadwalku yahay, maalinta Jimcaha ayey ku aadan tahay khudbadda Soomaaliya, waxaana halkaasi khudbadda Soomaaliya ka soo jeedin doona Ra’isul wasaare Xasan Kheyre.

Wafdiga ra’isul wasaaraha ee fadhiga ku sugan waxaa ka mid ah:  wasiirka arrimaha dibadda Yusuf,  Danjire Cabdiraxmaan Caynte iyo Danjire Cawaale Kulane, mas’uuliyiintan waxaa ay goobta  kulamo-doceed kula yeelan-doonaan qaar ka tirsan wufuudda ka socota 193 dal ee Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa.

Waa sanadkii 2aad ee kulankan uu ka baaqanayo madaxweyne Soomaaliyeed, sanadkii hore waxaa Muqdisho u matalayey wasiirka arrimaha dibadda Cabdisalaam Hadliye.

Akhriso: 5 Qodob Oo Ra’isul Wasaare Kheyre Ay Tahay In Uu Ka Hadlo Kulan-ka 72aad Ee Jimciyadda Q.M

 Waxaa kale oo aad akhrisataa: Khudbadihii Ugu Xiisaha Badnaa Ee Abid Laga Jeediyo Jimciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa

Wararka kulanka, kala soco, Goobjoog News