U bood dhigaalka

Ra’isul Wasaare Kheyre Oo Ka Hadlay Qaraxii KM5, Kuna Baaqay Midnimo Qaran

Sheeko:Dalka

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in ay ciidamada xoogga dalka ay wadaan u gargaaridda  dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Zoobe isla markaana ka xukuumad ahaan ay dadka Soomaaliyeed la wadaagi-doonaan  qaabka ay wax u caawin-doonaan.

Shacabka waxaa uu kula taliyay in gargaar iyo dhiig lala gaaro goobaha caafimaadka isaga oo inta kale ugu baaqay inay duceeyaan, waxaa uu sidoo kale siyaasiyiinta, ganacsatada iyo cid walba ugu baaqay in la yeesho midnimo qaran.

Dhinaca kale, Kheyre waxaa uu tacsi u diray dadkii qaraxa ku geeriyooday“INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diraayaa dhammaan qoysaskii iyo ehelladii ay ka geeriyoodeen dadkii ay weerarkii arxan darada ah u geysteen Shabaabku maanta, waxaan dhammaan umadda Soomaaliyeed mar kale xasuusinayaa inaan u gurmanno dadkii meesha wax ku noqday oo aan Alle u barino”.

Ra’isul wasaaraha oo sii hadlaya waxaa uu yiri“maanta qaraxii meesha ka dhacay waxa uu tilmaamayaa dhowr waxyaabood, koow waxa uu ahaa musiibo qaran oo aan rajeynayo in umadda Soomaaliyeed ay gacmaha isqabsan doonaan si aan uga soo kabsano, tan labaad waxa uu ahaa fariintii ugu dambeysay ee ay noosoo diraan kooxda Shabaab fariintaasoo aheyd inaanay ka naxeyn shacabka Soomaaliyeed, inaanay ka naxeyn carruur, inaanay ka naxeyn Hooyo, waayo waxa ay la beegsadeen meeshii ugu mashquulka badneyn Muqdisho” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Ra’isulwasaaraha Xukuumadda.

Weli hey’adaha ammaanka kama hadlin inta uu la eg yahay khasaaraha ka dhashay qarax galabtii sabtida ka dhacay isgoyska KM5, dad badan ayaa halkaasi dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaaray, waxaa kale oo ku burburay hanti badan.

Wararkan, Kala soco, Goobjoog News