U bood dhigaalka

Ra’isul Wasaare Ku Xigeenka oo Booqdey 13 Wasaaradood, Kana Hadlay Keydka Cuntada Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maalintii labaad booqanayey Wasaaradaha Dowladda si wax badan uga ogaado sida ay u shaqeeyaan, una qiimeeyo baahiyaha ka jira wasaaradaha oo qaarkood dul saar ku ah wasaarado kale.

Ra’iisul Wasare ku xigeenka ayaa maanta booqday 13 wasaaradood oo kala
ah; Shaqada iyo Shaqaalaha, Arrimah Gudaha, Gadiidka, Dekedaha, Howlaha Guud, Ganacsiga, Xanaanada Xoolaha, Beeraha, Warfaafinta, Haweenka, Kaluumaysiga, Biyaha iyo Tamarta iyo Ha’ada ka hortaga masiibooyinka Qaranka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa Wasaaradda Gadiidka oo ay dhismaheeda la dagan yihiin Wasaarada Dekedaha iyo Wasaarada Howlaha Guud iyo Guryeenta, wuxuuna warbixino ka dhagaystay Agaasimayaasha iyo Wasiirada Wasaaradahaas.

“Aad ayaan ugu faraxsana inaan idiin imaado, waana markii ugu horaysay
oo aan soo booqdo wasaaradaha halkaan ku yaala, sababtuna waa inaan wax badan ka ogaado durrfaha shaqaalaha wasaaradaha, waana kala gadisan tahay marka aad indhahaaga ku aragto cabashooyinka jira iyo horumarada la gaaray iyo marka warbixin ahaan laguugu soo gudbiyo, waana soo dhaweynayaa in Wasaaradda Gaadiidku dayactirtay dhismahaan aadka u quruxda badan iyadoo aan wax deeq ah ka helin gacan shisheeye ” ayuu yiri RW ku xigeenku.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa booqday xarunta Wasaaradda Ganacsiga oo ay la dagan yihiin Wasaarada Xanaanada Xoolaha, iyo Wasaarada Beeraha, wuxuna kulan la qaatay wasiiradda wasaaradahaas isaga oo u sheegay in wasaaradahaan laf dhabar u yihiin kor u qaadida dakhliga dalka loogana fadhiyo iney siyaasad cad oo lagu hormarinayo nolosha dadka Soomaaliyeed la yimaadaan.

“Sadexdiinaan wasaaradood waxa aa tihiin kuwo isku xira kaabayaasha dhaqaalaha dalka, waxa laydinka fadhiyaa inaad keentaan siyaasad lagu
hagayo amniga cuntada, sidee loo xaqiijin karayaa in qof kasta oo Soomaali ah helo wuxuu cuno, hadii ay dhacaan bad xiran, abaaro lamid ah kuwii dhacay sanadkii 2011-kii oo ay ku dhinteen dad gaaraya 250,000 oo qof, tusaale ahaan markii la joojiyey Bariiskii ka bixi jiray wadamo ka mid ah Asia, waxaa dhacday in wadamadii khaliijku ay yimadaan Africa si ay u beertaan cuntooyin, waa inaan markasta isku dayno inaan helno siyaasad cad oo wax looga qabanayo waxyaalaha asaaska u ah nolosha dadka Soomaaliyeed, waa inaad keentaan qorshe
dhab ah oo dalkaan looga saarayo sadexda cudur oo kala ah; gaajada, jahliga, amni darada, oo ah kuwo isku xiran loona baahan yahay in si wada jir ah loo cirib tiro, wasaaradaha wax soo saarkuna waa inay halkaas ku jiheeyaan wax qabadkooda” ayuu yiri RW ku xigeenku

Ugu danbayntii RW ku xigeenka ayaa booqday Wasaarada warfaafinta oo ka
mid ah wasaaradaha ugu shaqada badan wasaaradaha dowladda, waxaa kale
oo dhismaha wasaaradda qayb ka dagan shan wasaaradood, oo qaarkood ay
dayactir ku wadaan dhismayaashii ay lahaayeen, waxaana Ra’iisul Wasaare ku xigeenku intii uu ku sugnaa wasaarada Warfaafinta uu koormeer ku soo sameeyey qaybaha kala duwan Telefishanka Qaranka, Radio Muqdisho, iyo Kaydka Wasaarada oo ay ku jiraan cajaladiihi la duubay lixdameeyadii iyo khudbadihii madaxdii hore, waxaana xusid mudan in RW ku xigeenka loo daaray codka shir ja’iid oo uu qabtay Aabihiis Cumar Carte Qaalib oo ahaa xiligii dowladii kacaanka
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo markaas safar shaqo ugu socday dalka
Talyaaniga.

Goobjoog News