U bood dhigaalka

Ra’isul wasaaraha oo Sheegey in Ay Waqti Qaadanayso Inta Dhalinta Laga Tirtirayo Fikirka Xun

Sheeko:Dalka

Isaga oo wariyeyaasha la hadlayay waxyar kadib markii uu kasoo baxay kulan albaabada u xirnaayeen golaha ammaanka Qaramada Midoobey, ayuu Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke sheegey in ay dhowdahay xiligii dalka laga wada qabsan lahaa Alshabaab.

Balse waxa uu sheegey in ay muddo badan qaadan doonto in dhalinyarada maskaxdooda laga tirtiro fikirka xun ee Alshabaab, sida uu hadalka u dhigey.

Waxa kale oo uu sheegey in Alshabaab ay weerarada kordhin doonto bisha Ramadaan ee nagu soo wajahan sidii caadada ahaydba.

“Waxaan qarka u saaranahay in aan Alshabaab jabino” ayuu yiri, isaga oo intaasi ku daray in bilaha dhow ee soo socda uu bilaaban doono hawlgalkii ciidamadda.

Goobjoog News