U bood dhigaalka

Ra’isulwasaare Ku Xigeenka oo Dhageystey Cabashooyin Ka Jira Gudaha Wasaaradda Hawlaha Guud

Sheeko:Dalka

Maxamed Cumar Carte Qaalib oo sii wada kormeerkii uu ku tagayay wasaaradaha dowladda ayaa booqdey wasaaradda hawlaha guud, wuxuuna warbixino ka dhageystey agaasimeyaasha iyo wasiirka wasaaradda.

Wasiirka hawlaha guud Injineer Saalax Sheekh Cusmaan ayaa yiri “Ujeeddaduna waa ka warqabida habsami u socodka shaqada iyo u kuur-galida duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaha, wuxuuna ku amaney shaqaalaha niyad sami , fir fircooni iyo dadaalka ay ugu dib u dhiska wadanka”.

Waxa kale oo uu wasiirka sheegey in ra’isulwasaare ku xigeenka uu balan qaaday in cabashooyinka ka jira wasaaradda ee la xiriira la’aanta tasiilaad iyo waxyaabo gabaabsi ah oo hakad galin kara shaqada wasaaradda in uu balanqaaday in uu wax ka qabanayo, tixgalina siinayo.

Inkasta oo ujeedada ugu muhiimsan ee kormeerka uu yahay dardar galinta hawlaha wasaaradda, haddana waxaanan meesha ka marneyn sidii loo ogaan lahaa baahiyaha ay qabaan wasaaraddaha iyo waxyaabaha gacan laga siin karo ee haddii la qabto shaqadooda kor u qaadi lahaa.

Goobjoog News