U bood dhigaalka

Ra’isulwasaarihii Hore iyo Ku Xigeenkiisa oo Dalbaday Cafis

Sheeko:Dalka

Cabdiwali xasan iyo cumarRa’isulwasaaraha maanta xilka wareejiyey Cabdiwali Sheekh Axmed iyo ku xigeenkiisa Ridwaan Xaaji Maxamed oo hadalo ka jeediyey munaasabadii xilwareejinta ayaa dalbaday in la’is wada cafiyo, iyaguna ay cafiyeen cid allaale cidii ay wax kala tabanayeen.

Ridhwaan oo ugu horeyn hadlay ayaa sheegey in dhamaan dadka ku jira golaha wasiirada ee meesha fadhiyey iyo kuwa aanan ku jirinba ay yihiin saaxiibo, islamarkaasina siyaasad uun lagu kala aragti duwanaa, wuxuuna taasi ku magacaabay “qalin-daar siyaasadeed” sida uu hadalka u dhigey.

Wuxuu sheegey in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay dhankooda soo eegayaan, sidaasi darteedna aanan la niyad jabinin oo la halmaamo wixii dadka dhexmaray, horeyna looga soo socdo.

Cabdiwali Sheekh Axmed oo hadalka qaatay ayaa ku kaftamay in qaar badan oo wasiiradii hore ka mid ah ay u muuqdaan kuwa golaha wasiiradda kusoo laabanaya maadaamaa ay si wanaagsan usoo wada labisteen, wuxuuna Ra’isulwasaaraha cusub kula dardaarmay in uu dib usoo magacaabo wasiiradii hore oo uu sheegey in shaqo wanaagsan ay wada qabteen.

“Waxaad arki jirteen Ra’isulwasaaraha tagaya in uu xanaaqsanaado, laakiin aniga waan faraxsanahay, sababtoo ah raggan oo dhan saaxiibo ayaan nahay” ayuu yiri Cabdiwali oo intaasi ku daray in aysan jirin hal wasiir oo ay is qabteen.

Cabdiwali waxa uu sheegey in uusan siyaasadda ka bixi doonin, balse uusan si qaloocan ugu sii jiri doonin, isaga oo kaalin wanaagsan ka qaadan doona danaha Soomaaliya.

“Aniga waan idin cafiyey, idinkana waxaan idinka codsanayaa in aad i cafisaan” ayuu yiri Cabdiwali oo sidoo kale cafis ka codsaday madaxweynaha, isna sheegey in uu cafiyey, islamarkaasina oga mahadceliyey wada shaqayntii uu u muujiyey.

“Markii baarlamaanka qeybsami gaaray, aniga waxaan qaatay go’aan , aniga oo saaxiibadeey ka codsaday in ay ogolaadaan in hawsha qabsoonto, markii codkii la qaaday daqiiqado kadib ayaan ku degdegey in aan hambalyeeyo go’aanka baarlamaanka” ayuu yiri Cabdiwali.

Wuxuu sheegey in jiritaanka hey’adaha dowladda ay yihiin raasimaal, waxa soo harayna yihiin ribxi ama faa’iido, waxa la’isku hayana ay taasi tahay, balse raasimaalka la wada ilaashado.

Ugu dambeyntii Cabdiwali Sheekh ayaa codsaday in xukuumadaha dambe aanan lagu soo darin xildhibaanada maadaamaa kuwa aanan golaha wasiirada ku jirin ay keenayaan mooshin si marka ay xukuumadda dhacdo, tan kale ee lasoo dhisayo loogu soo daro. Cabdiwali ayaa xildhibaanada ka codsaday in ay mooshinada dib u dhigtaan ugu yaraan illaa 2016-ka

Dhageyso Codka Cabdiwali

Dhageyso Codka Ridhwaan Xaaji Maxamed

Goobjoog News