U bood dhigaalka

Rajada Laga Qabo In Dowladda Laga Cafiyo Deymaha Intee Ayey La Egtahay?

Sheeko:War

Waxaa Sharaf ii ah inaan si guul ah u soo gabagabayno barnaamijka SMP ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) oo nagu toosinaya jidkii deymaha na looga cafin lahaa.Waan sii xoojinaynaa dadaalkeena si aan dalka iyo dadka u horumarino” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle oo sheegay in ay rajo aad u wanaagsan ka qabaan in si dhaqso leh dowladda Deymaha looga cafiyo, wuxuuna intaas ku daray intii badnayn shuruudihii laga rabay dowladda ay buuxiyeen.

“Dowladda Shuruudo badan oo aasaas u ah in deymaha laga cafiyo way buuxisay, hase yeeshee waxaa jira qodob aad muhiim u ah oo aysan weli fulin kaas oo ah in ay marka hore bixiso deymaha sharciga ah ee dowladda looga leeyahay Gudaha dalka, intooda badanna waxaa ku leh ganacsato shacab ah”, ayuu yiri ganacasade ka mid ah kuwa dowladda ku leh deymaha oo sheegay in haddii aysan dowladda si dhaqso leh ku bixin deymahaas ay waxba dhaammi doonin dowladihii ka horreeyay oo ahaa  buu yiri kuwa caddaaladda ka arradan.

“Aad baan u soo dhoweynayaa in Soomaaliya ay ku guuleysatay in caalamku ku qanco hannaanka maamulka maaliyadda dalka kaasi oo xiliggan lagu maamulo nidaam leh daah-furnaan  oo haddii shuruudaha inta dhimman la dhammaystiro keeni karta in dalka laga cafiyo deymaha mashaariic dalka waxtar u lehna laga fuliyo” ayuu yiri Guddoomiyihii Shirkadda Rajo Construction C/casiis Max’ed Xasan (Dhagaweyne) oo sheegay in ay rajo aad u wanaagsan ka qabaan in dowladda ay si dhaqso leh uga helaan Magdhowgooda muddada 4-ta sano ku dhow kaga maqan.

Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Madaxweyne Max’ed C/llaahi Farmaajo intii ay jirtay waxay samaysay dadaallo fara badan, waxaase laga xusi karaa arrinta deymaha ee uu  Wasiirka Maaliyadda, Mudane Beyle ka hadlay taasoo ah rajada  dowladda ka qabto in laga cafiyo deymaha muddada dheer lagu lahaa oo uu Wasiirku sheegay in dhammaan intii badnayd shuruudihii ay la galeen Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ay buuxiyeen inta yar ee hartayna dhowaan buuxin doonaan.

Waa Dowladii ugu Horeysey oo si Cad Shacabkeeda u sheegta hanaanka au Dowlada u mareyso in Dhamaan laga cafiyo Deymihii lagu lahaa , hase yeeshee Shacabka Soomaaliyeed ayaa qaba hadii ay Bixiso Dowladd Deymaha iyo Magdhowyada lagu leeyahay ay imaan karto in Shacabka Soomaaliyeed ay ku dhiiradaan in ay Dowlada siyaan Deymo islamarkaana ay Gudaan wixii Magdhow ah ee Dowlada lagu leeyahay.

Sidoo kale waxay soo dhaweeyeen Bulshada  Sharciga Maareynta Maaliyada kaasoo Horyaala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed sida darteed Ujeedka sharcigan ayaa ah in uu maamulo dhammaan arrimaha la xiriira Maaliyadda guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isagoona dajinaya Mabaadi’da aasaasiga ah iyo Habraaci diyaarinta, ansixinta Miisaaniyadda Qaranka.Waxaa kale oo uu sharcigan dejinayaa habraaca kormeerka gudaha, Xisaabaadka, Warbixinnada iyo Dabagalka Dakhliga, Kharajka, Raasumaalka iyo Deymaha, sidoo kale mareynta deynta guud iyo Magdhowga Xukuumadda looga Baahan yahay.

W/Q: Amiin Yuusuf Khasaaro