U bood dhigaalka

Rajo Fiican: Waa Aqoon Yahan, Bare Jaamacadeed Iyo Waalid Indhaha la’a

Sheeko:Dalka

Ustaad  Maxamed Axamed Sheik Maxamuud waxa uu ka mid yahay barayaasha Soomaaliyed isagoo dhiga iskuulo iyo jaamacado ku yaallo dalka.

Ustaad Maxamed  Axmed waxa uu la’yahay aragga ama in dhaha hadba qofbu sida uu yaqaano macalinka ma ahan inuu indhaha beelay oo wax oga dhaceen  balse waa uu ku dhashay indho la’aanta oo waa wax rabaani ah  .

Dadka inta badan marka ay wax ku dhacaan  waxay dareemaan niyad jab xoog leh tasso ku saabsan inuusan waxaba qabsan Karin oo uu bulshada dhaxdeenada uu kala kulmaayo dhibaatooyin kala duwan, balse arrinta macalin Axamed Sheik waxay tusaale weyn u tahay in qof walba oo bani’aadam ah uu wax qabsan karo sidoo qofka indhoolo iyo jiisba ah oo uu wax baran karo shaqeysan karo

Ustaad Axmed oo Goobjoog news u warramay ayaa waxa uu sheegay ineysan jirin habnololeedkiisa uusan wax dhib aha bulshada kala kulmin  oo uu u noolyahay sida ay u noolyihiin sida bulshada caadiga ay u noolyhiin iyo dadka aragga leh sida ay u shaqeystaana uu ushaqeysto .

Waxbarashada waxa uu bilaabay isagoo jira 3 sano dugsiga qur’aanka kariimka oo ah halka ay ka bilaabato wax barashada qofka ka dib waxa uu sheegay in xilligii dowladdi  siyaad barre uu ku biiray wax barashada hoose ama dugsiga hoose taasoo iga oo maraya fasalka 8aad ay dowladdii ay ku dhacday ka dib waxaa soo wajahday marxalad kale oo wax barasho la’aan ah ku dhawaad 6 sano ayuusan wax baran maadamaa ay dowladdi dhacday

Sasnooyin ka dib ayuu waxa uu ku biiray iskuulka imaamu shaafici kaasoo dib loo soo celiyey oo la dhahay fasalka 5aad ka bilow sababtana waxay aheyd iskuulka waxuu kubaxayey afka cararabiga maadaama uu skuulkii sii hore uu ah mid ku baxa afka Soomaaliga.

Ustaad Axmed ayaa isgoo arrinkaas ka hadlayo waxa uu yiri:

“waxbarashada aasiga ah waxaan bilaabay xilligii dowladii dhexe  anoo maraya fasalka 8aad ayaa dowladdi dhacday  ka dib waxaa isoo wajahday  marxalad kale muddo 6sano ah ayaana wax baran”

Waxbarashada asaasiga waxa uu mar kale dib u bilaabay sanadkii 1996dii isagoo fasalka 5aad uu ka bilaabay ilaa dugsiga sare waxa uu ku dhameystay skuulka imaamu shaafici ka dib waxa uu ku biiray jaamacadda islaamiga ah ee ku taalo magaalada Mugadishu kulyadda wax barashada ayuuna ku biiray digreega koowaad waxa uu ku dhamesystay jaamacdda islaamiga ah.

Ustaad Axmed ayaa isagu hadda heerkiisa wax barasho oo ugu sareeyo waxa uu marayaa  Master digree taasoo uu ka soo diyaariyey waddanka Suudaan gaar ahaan jaamacatul Ifriiqiyaa oo ku taali sudaadaan masterka waxa uu dhameeyay sanadkii 2012. Intii uu ku maqnaaa wadanka debadiisa ayaa waxa uu sheegay in la soo gudboonaatay caqabada ama dhibaato tasoo ku saabsan in loo diido inuu ku biiro jaamacdda isagoo loo sababynaayo indhoolanimada oo laleeyahy qof aragga la’a wax mabarno  wadahadal ka diin iyo isla gorfeyn qaaadat muddo 2 bilood ah ayaa waxaa loo ogolaaday inuu ku biiro jaamacdda isagoo arinkaas Goobjoog news oga warramay waxa uu yiri ,,

“ caqabad way iska jirysaa qofka haduu aragg la,yahay  sababtoo ah meelaha qaar axaa lagu leeyahy waad aragg la,dahay heerkaan waxbarasho magaari kartid,,

Ustaad Axmed waa qofkii ugu horeeyey oo aragga la’  islamaarna  shahaadada Master digree ka diyaariyey jamacdda ifriiqiya oo kutaalo Sudaan isgoo waliba casharada laqaadanaayey arday aragg qabto isagoo ku taqasusay taariiqda Africa oo darsay.

Ustaadka waxa uu bare kayahy iskuulka  Alnuur oo la aas aasay sanadkii 2005tii isagoo dhiga maadooyinka culuumka ,Georafiga, iyo Taariiqda iskuulkaan ayaa waxaa ubadan dadka la’ aragga ayaa intooda badan wax ka barta. Sidoo kale waxa uu bare ka yahy jaamacdda Imam  oo uu wax ka dhigo isagoo  11sano bare ahaa.

Dhanka arrimaha bulashada waxa uu leeyahy labo xaas isagoo dhalay 6 caruur ah 2 gabdhood iyo 4 wiil curadkiisa ugu weyn waxa uu jiraa 23 sano jaamacd ayuu dhigtaa .

D’da,da ustaad Axmed waa 44sano jir, Waxa uu sheegay marka uu bulshada uu ku dhax jiro in aad loo qadriyo la jecelyahy oo uu bulshada dhexdeeda uu ixtiraam iyo sharf ku dhax leeyahy ustaad Axmed ayaa ugu  danbeyn ugu baaqaay bulshada aragga leh, iyo aragga la, iney wax bartaan oo nafdooda horumar ay uhorseedaan.

W/Q: Jaamac Cali Shidane, Goobjoog News