U bood dhigaalka

Rajo Laga Muujiyay Xalinta Beelahii Ku Dagaallamay Deegaanka Deefow Ee Hiiraan

Sheeko:Dalka

Guddi dhawaan loo xil saaray in ay xaliyaan dagaal beello walaalo ah ku dhex maray deegaanka Deefow ee gobalka Hiiraan ayaa rajo waxa ay ka muujiyeen in ay xaliyaan dagaalladaasi.

Gudoomiyaha guddigaasi Islow Cabdiwahaab Axmed Duqow oo u waramay Barnaamijka Maxaa Lagu Heshiiyay ee Goobjoog News ayaa sheegay in hadda ay socoto waan waantii ugu dambeysay, dhawaanna lasoo af jarayo colaadda jirtay.

“Waxaan la kulannay Beelihii wada dagaallamay, waxaana ay inoo sheegeen in wax walba ay inaga aqbaleen, waxaa inoo haray in Odayaashoodii aan meel isugu keenno si xiisadda loo damiyo” ayuu yiri gudoomiyaha.

Sidoo kale Islow Cabdiwahaab ayaa ugu baaqay cid walba oo Soomaaliyeed in ay ka qeybqaadato xalinta beelahaan dagaallamay si loo helo Nabad iyo wada noolaansho.

Guddigaan loo xilsaaray xalinta dagaalkii Deefow ayaa laga dhex magacaabay shirka dib u heshiisinta ah ee ka socda magaalada Baladweyne, kaasi oo beello badan lagu heshiisiiyay.

Goobjoog News

 

Mawduucyada:Gobollada