U bood dhigaalka

Rajo Laga Muujiyay Xalinta Beelihii Ku Dagaallamay Deegaanka Deefow Ee Hiiraan

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa 1-dii bishan ka furmay shir dib u heshiisiin ah, kaasi oo lagu heshiisiinayo beelaha degan guud ahaan gobalkaasi.

Shirkaan ayaa hadda ku jira marxaladii ugu weyneed marka loo eego dib u heshiisiinta, waxaana hadda loo istaagay in la heshiisiiyo beelihii dhawaan ku dagaallamay deegaanka Deefow ee gobalka Hiiraan.

Gudoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta beelaha dega gobalka Hiiraan Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale ayaa u sheegay Goobjoog News in rajo wanaagsan laga qabo in la xaliyo beelahaan, meeshana laga saaro wax walba oo la kala tabanayo.

Nabadoonka ayaa tilmaamay in shirkaan hadda uu marayo meeshiisii ugu adkeyd marka loo eego beelihii la heshiisiiyay iyo sidoo kale sida hadda ay u socoto dib u heshiisiinta.

Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo isna ka mid ah mudanayaasha maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Baladweyne ayaa dhankiisa waxa uu rajo ka muujiyay in dib u heshiin waarta ka dhex dhigo beelihii ku dagaallamay deegaanka Deefow.

Waxa uu xildhibaanka tilmaamay in hadii beelahaan la xaliyo ay ka dhigan tahay in dhammaan beelihii ku sugnaa gobalka Hiiraan la wada heshiisiiyay, hadii aan la xalinna waxa uu sheegay in shirka uu noqonayo mid qabyo ah.

Goobjoog News