U bood dhigaalka

Rajo Laga Muujiyey Miro Dhalka Shirka Madasha Wadatashiga Qaran Ee Ka Socda Muqdisho

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Maxamed Caalim oo kamid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa rajo aaad u wanaagsan waxa uu ka muujiyey in natiijo wax ku ool ah kasoo baxdo shirka madasha wadatashiga qaran ee ka socda magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in hadda sida ay wax ku socdaan ay aad u wanaagsan tahay balse caqabada kaliya ee la filan karo ay tahay haddii madaxda dowladda dalbadaan in waqti kordhin loo sameeyo.

“Shirka sida uu hadda ku socdo waa heer wanaagsan, laakiinse waxaan idiin sheegayaa caqabad waxay imaan doontaa haddii madaxda dowladda dalbadaan muddo kordhin, laakiinse sida kale ee hadda wax loo wado waa mid lasoo dhaweyn karo” ayuu yiri aqoonyahankan.

Dhinaca kale Maxamed Caalim ayaa ka digey in xildhibaannada soo socda ee la filayo in ay bedalaan baarlamaanka cusub ee soo socda in aan qaab musuq ah lagu soo xulin oo loo madax baneeyo Odayaasha dhaqanka ah.

Maalintii Labaad waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya shirka madasha wadatashiga qaran oo looga hadlayo arrimaha la xiriira doorashooyinka.

Goobjoog News