U bood dhigaalka

Rasaas Ka Socota Goobtii Xalay Qaraxa Lagu Weeraray

Sheeko:Amniga

Xubno ka mid ah Al-shabaab ayaa la xaqiijiyey iney ka dhex dagaallamayaan dhisme ku yaalla wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho kuna dhow Hoteelka Makka Al-mukarrama, kuna dheggan Hilaac UK.

Guri dabaq ah oo ay deggan yihiin dad shacab ah, loona yaqaan Reer Shideeye ayeey xubnaha Al-shabaab ku jiraan, halkaasi oo ay kasoo tuurayaan rasaas iyo sidoo kale Bambooyin.

Ciidamada ammaanka ayaa xalay illaa iyo saakay waxa ay la dagaallamayaan xubnahaasi, iyadoo xaaladdu ay tahay mid aad u adag.

Guriga Shideeye ee ay ka dhex dagaallamayaan Al-shabaab ayaa waxaa deganaa qoysas u badan carruur iyo haween.

Waxaa gurigaasi ku dhintey canug yar oo qoyskaasi ka mid ahaa, waxaan ku dhaawacmay Saddex kale, hase ahaatee ciidamada ammaanka ayaa ku guuleystay iney soo badbaadiyaan dadkii kale ee gurigaasi ku noolaa.

Wadarta guud khasaaraha ka dhashay qaraxii xalay iyo dagaalka socda ayaa ah dhimashada 15 qof, waxaana ku dhaawacmay ku dhowaad Afartan qof.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News