U bood dhigaalka

Rasaas Laga Maqalayo Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay rasaas goos goos ah isku weydaarsanayaan ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug ee magaaladaasi ku dagaallamay.

Dadka deegaanka Qaarkood oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in rasaasta laga maqlayo halka ay isku horufadhiyaan ciidamada Labada dhinac.

Inta badan xaafadaha magaalada Gaalkacyo waxaa ka barakacay shacabkii degganaa kadib markii ay ka baqeen in dagaalladaasi ay saameyn xooggan ku reebto.

Dagaallada Gaalkacyo ayaa saameyn ku yeeshay ganacsigii magaaladaasi iyo sidoo kale xarumihii Waxbarashada Gaalkacyo, iyadoo weli aaney muuqan dadaallo rasmi ah oo xal looga gaarayo dagaalladan.

Maamulka Puntland ayaa horay u sheegay in magaalada Gaalkacyo ay kula dagaallamayaan ciidamada Al-shabaab, balse Galmudug waxay weerarkaasi ku tilmaantay mid lagu diidan yahay nabadda iyo horumarka magaaladaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News