U bood dhigaalka

Rasaas Laga Maqlayo Baladweyne

Sheeko:Dalka

Wararka saaka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi laga maqlayo rasaas goos goos ah oo ay is weydaarsanayaan dhinacyadii shalay ku dagaallamay magaaladaasi.

Xaafadda Howlwadaag oo Galbeedka Baladweyne ku taalla ayaa waxaa ku dagaallamay Laba beel oo halkaasi wada deggan, iyadoo dagaallo xooggan misane khasaare geystay ay halkaasi ka dhaceen.

Ugu yaraan Shan qof ayaa dagaalladii shalay ku geeriyootay, sidoo kalena waxaa halkaasi ku dhaawacmay ku dhawaad 30 qof oo shacab u badan.

Askar ka tirsan AMISOM ayaa isku dayey inay damiyaan shalay dagaallada ka socday halkaasi, hase ahaatee waa ay u suurta gali waysay.

Xiriir ay Goobjoog News, la sameysay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka gobalka Hiiraan waxay sheegeen in ay haatan wadaan is abaabulid ay ku doonayaan inay ku kala dhex galaan dhinacyadaan dagaallamay.

Qof ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa inoo sheegay in hadda dagaalkii shalay oo kale aanu socon, balse la maqlayo rasaas Labada dhinac ay isku ridayaan mararka qaar.

Dagaalkaan ayaan ahayn kii ugu horeeyay oo xaafadaasi ku dhex mara Labadaan beel, horay sidaan oo kale ayeey u dagaallameen, waxaa la kala dhex dhigay heshiis, hase ahaatee waxaa muuqata in heshiiskii uu burburay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News