U bood dhigaalka

Rasaas Laga Maqlayo Galbeedka Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Rasaas ay is weydaarsanayaan ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta laga maqlayaa galbeedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Goob joogayaal ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa inoo xaqiijiyey in goor dhow halkaasi ay ka bilaabatay rasaas u muuqata dagaal dhexmaraya ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Lama oga sida ay rasaastan ku bilaabatay iyo khasaaraha ka dhashay, hase ahaatee waxay imaaneysaa xilli habeenkii xalay ahaa madaafiic hoobiye ah ay kusoo dhaceen xaafado ka tirsan Gaalkacyo.

Rasaastan iyo madaafiicdan kusoo dhaceysa Gaalkacyo ayaa imaaneysa xilli madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ay heshiis horudhac ah ku gaareen dalka Isku Tagga Imaaraadka Carabta.

Inta badan xaafadaha magaalada Gaalkacyo waxaa ka barakacay shacabkii deganaa, kadib markii magaaladaasi ay ku dagaallameen ciidamada Puntland iyo Jubbaland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News