U bood dhigaalka

Rasaas Laga Maqlayo Gudaha Laascaanood, Sool

Sheeko:Amniga

Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee gobalka Sool ayaa sheegaya inuu dagaal ku dhex marayo gudaha magaalada ciidamada ka tirsan Soomaaliland iyo dadka shacabka ah.

Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii wasaaradda howlaha guud ee Soomaaliland oo wadata ciidamo ay bilowday duminta dhul ay ku sheegtay in ay waddo marto, markaas ka dib waxaa dagaal kala hor yimid ciidamadii burburinta waday iyo dadka shacabka ee dagana guryaha la duminayay.

Wararka ay Goobjoog News ka helayso magaalada Laascaanood  ayaa sheegaya in rasaasta ay labada dhinac ee ciidamada Soomaaliland iyo dadka ka soo horjeeda in la dumiyo guryahooda ay is  ku adaeegsanayaan laga maqlaayo xaafadaha kala duwan ee magaalada .

Ilaa iyo hadda waxaan la ogeyn khasaaraha dhashay ee dhaawac iyo dhimasho madaama wali labada dhican ay dagaalamayaan, lakiin waraka qaar ayaa sheega inuu jiro dhaawacyo soo gaaray dadka shacabka ah.

Goobjoog News