U bood dhigaalka

Dib u Dhac Ku Yimid Doorashooyinka Somaliland ee March, 2017

Sheeko:Dalka

Maamulka Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay maanta in doorashadii maamulka aaney ku qabsoomi karin wakhtigii horey loo qorsheeyay ee 28, March,2017.

Kulan ay maanta magaalada Hargeysa ku yeesheen Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, murashixiinta madaxweyne ee axsaabta siyaasadda ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid ayaa waxaa laga soo saaray go’aanno uu ugu weynaa inaan doorasho ku qabsoomi karin xilligii loo qorsheeyay.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo kulanka ka dib la hadlay saxaafadda ayaa yiri:

“Waxaan ka soo baxnay shir loo dhanaa komishanka qaranka Saddexda Musharrax ee saddexda xisbi qaran, madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeenka oo matalayay xukuumadda, shirkaasi waxaa lagu lafagurayay xaaladda abaarta ee ina haysata ood ka wada warqabtaan, waxaan si kooban idinku sheegaynaa in go’aankii go’aankii shirkaasi lagu qaatay uu yahay, Kow; in dalkani uu duruuf adag galay oo abaar adagi dhacday, sidaas darteedna aaney suurogal ahayn in doorashadii noogu muhiimsaneyd bishii saddexdaad ee sanadkan, 28, 2017, inaan wakhtigii loogu talogelay in aaney ku qabsoomeyn, waxaa kale oo la isla gartay in mar labaad saddexda xisbi qaran iyo komishinka doorashooyinka ay talo iskula noqdaan mudada ugu habboon ee lagaga bixi karo xaaladda adag ee aanu imika galnay”.

Axsaabta siyaasadda Somaliland iyo guddiga doorashooyinka maamulka oo Labo cisho ka hor shir ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa soo saaray go’aanno ay ku mideysan yihiin oo ah inaan xilligan doorasho dhici karin, laakiin waxay ku kala aragti duwanaadeen wakhtiga muddo kordhinta xukuumadda Siilaanyo oo Axsaabta mucaaradku ay soo jeediyeen in 6 bilood oo qura loo kordhiyo.

Goobjoog News

 

Mawduucyada:Gobollada