U bood dhigaalka

Rasmi: Kenya oo ICJ Ka Dalbatay Dib u Dhigista Dhageysiga Dacwadda Badda

Sheeko:Amniga

Dalka Kenya ayaa bishan bilowgeeda codsi dhib-u-dhigis ah xagga dhageysiga dacwada ah u diray maxkmadda cadliga adduunka.

Warqad ku taariikheysan 2bada September oo loo diray maxkamadda ayey ku codsadeen in Dib loo dhigo dhageysiga dacwada

Dhanka kale ilo xogogaal ah ayaa Goobjoog News u sheegay in Kenyaanku doonayaan talaabo kale oo waali ah, taas oo ay ku kala dirayaan dhammaan qareenadooda si dacwada dib loogu dhigo 12 bil oo kale.

Haddii ay sidaasi sameeyaan waxaa dhaceyso :

–In ay xilligaas wadahal raadiyaan iyo xal diblomaasiyadeed ula galaan Soomaaliya.

– In dalalka Afrika iyo Midowga Afrika ka dhameeyaan in dacwada iyagu dhageystaan oo laga soo wareejiyo maxkamadda qaramada midoobey.

– Iney ka shaqeeyaan iney isjiidjiidka gaaro marlaxadda kala guurka ee Soomaaliya kadib, oo ay la macaamiilaan maamulada iman doona Soomaaliya 2021ka.

Goobjoog News