U bood dhigaalka

Rasmi:-Muqdisho City club Oo Saxaafada U Soo Bandhigtay Macallinkeeda Cusub

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa xafiiskeeda kusoo bandhigtay macallinkeeda cusub kaas oo u dhashay wadanka Tuniisiya wuxuuna xiligan ka badalayaa Mbalangu Husein oo kasoo jeeda Uganda.

Guddoomiyaha kooxda Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh ayaa sheegay in aad ugu kalsoonyahay qibrada macallinkan wax badan uu ku kordhindoono hanaanka horomarka kooxdiisa.


Is badalka ay sameeyeen maamulka naadiga dowladda hoose waxaa aad u soo dhaweeyay ciyaartooyda kooxda,iyagoo macallinkooda cusub ka rajeeyay in ay la qabsadaan falsafadiisa hogaamineed.Maxamed Mistiri Lamjed oo u dhashay dalka Tuniisiya ayaa noqonaya badalka Hussein Mbalangu oo kasoo jeeda Uganda oo naadiga Muqdisho City Club hogaaminayay shantii sano lasoo dhaafay wuxuuna macallinka reer Tunisia sheegay in uu ku faraxsannahay laylinta kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club.

Taageerayaasha naadiga Muqdisho City Club ayaa maamulkooda kaga mahad celiyay da’daalka ay ku bixinayaan horomarka kooxdooda,iyagoo balanqaaday in ay si dhaw ula shaqeendoonaan tababarahooda.

La taliyaha maamulka isboortiga Gobolka Banaadir Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji Dacar ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu waqti badan ku bixinayo kobaca iyo horomarka kooxda Muqdsiho City Club.

Halka Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Qaabka Loo Soo Dhaweeyay Macallinka Muqdisho City Club

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/332755091011618/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle