U bood dhigaalka

Ra'iisal wasaare Cabdiweli SHeekh oo gaaray xeryaha qaxootiga Dhadhaab

Sheeko:War

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdiweli SHeekh Axmed oo  maalintii  labaad ku sugan dalka Kenya  ayaa  maanta gaaray xerada qaxootiga DHadhaab, halkaas oo ay ku nool yihiin qaxooti Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya  5 boqol oo kun oo qof.

Ra’iisal wasaare Cabdiweli ayaa kulamo la qaatay wakiilo ka socday laanta arimaha qaxootiga ugu qaybsan Qaramada Midoobay UNHCR, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya, iyo hoggaanka qaxootiga Soomaaliyeed ee  DHadhaab.

Cabdiweli  ayaa sidoo kale la filayaa in uu kulamo la qaato guddi dhowaan gaaray magaalada Kismaayo si ay u soo qiimeeyaan goobaha la dajin karayo  qaxootiga doonaya in ay si iskood ah  ugu laabtaan Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya  ayaa maalmo ka hor magaalada Addis ababa  uga  soo  qayb  galay shir  looga hadlayay arimaha qoxootiga ka hor inta uusan gaarin  Kenya.

Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool  DHadhaab ayaa lagu qiyaasaa inay ka badan yihiin nus malyuun qof, dowladda Kenya ayaana marar badan ka dhawaajisay inay ka go’an tahay dib u celintooda, iyadoo ku eedaysay qaxootiga inay ka dambeeyaan amni xumida dalkeeda soo food saartay muddooyinkan dambe.