U bood dhigaalka

Reer Guuraa u Naq Raacay Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Bari

Sheeko:Dalka

Qoysas badan oo ka hayaamay abaaraha ka jira deegaanno ka tirsan Puntland, Somaliland, iyo gobollada dhexe ee dalka ayaa isugu tagey deegaanno ka tirsan gobolka Bari, halkaasi oo dhowaan uu ka da’ay roob biyo dhigay.

Roobka ay reer guuraaga ah u hayaameen ayaa ahaa mid kasoo bilwoday dhinaca badda, kadibna usoo wareegay deegaannada dhulka ah, waxaana uu buuxiyey togagga iyo dooxooyinka deegaannadaasi oo ka tirsan gobolka Bari.

Kumanaan qoys oo xoolo dhaqato ah ayaa isugu tagey deegaannadaasi ay roobabka ka da’een, waxaana lasoo sheegayaa xaalado dadkaasi soo wajahay maadaama ay yihiin dad badan oo wata xoolo abaartu saameysay.

Faratal Deeble waxa uu kamid yahay Odoyaasha deegaanka lagu hayaamay, waxa uu Goobjoog News uga waramay xaaladda dadkan reer guuraaga ah ee halkaasi  isugu tagay.

“Waxaan reerahayaga geynay meel roobka uu biyo dhigay, meelaha dadka kasoo guuray abaar bay ahayd, waxaan imaannay meel hadda naq leh, xoolaha ayaa naga xanuunsan, dad badan oo isaga yimid meello badan ayaa hadana jooga, ariga ayaa aad u dhamaanaya, dhulkaan waxaa la joogi karaa oo kaliya 20 maalin, waayo waxaa isugu yimid wixii dad ahaa, illaa hadda wey socdaan, saacad aan wadada taagnaa waxaan arkay 24 gaari oo UD ah, naqda iyo dadka imaanaya aad bay u kala badan yihiin, dadka qaar ma haystaan wax gaadiid ah, oo xitaa waxay kasoo tageen Dameeradii ay ku guuri lahaayeen” ayuu yiri Faratel.

Maxamed Cali Nuur Jubba waa agaasimaha waaxda qorsheynta ee wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, waxa uu Goobjoog News u sheegay in halkaasi ay ku tageen Kormeer, islamarkaana deegaannadaasi ay isugu tageen dad badan oo gobollo badan ka yimid.

Agaasimaha ayaa sheegay in mar walbo halkaasi laga filan karo iney ka dhalato xaalad adag oo dhanka nolosha ah, balse waxa uu tilmaamay in ka wasaarad ahaan ay dadku ku wacyigeliyeen iney soo dhoweeyaan dadka reer guuraaga ah ee soo naq raacay.

Inta badan  gobollada dalka waxaa ka jiray abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, waxaana dadka ay u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh.

Goobjoog News