U bood dhigaalka

Reer Muqdisho Oo Lugeynaya Iyo Ciidamada Oo…

Sheeko:Dalka

Waxaa saaka xiran inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo dadka ku soo tooseen ciidamo meel walbo daadsan.

Waddooyinka xiran waa kuwii hal-bowlaha u ahaa ganacsiga iyo isu socodka magaalada, dadweynaha reer Muqdisho ayaa  lugeynaya, waxaana xiran waddooyin badan oo aan horay looga baran in Ciidamada ammaanka ay xirana, sida qeybo ka mid ah Dabka, Banaaidir, Jidka Sodonka, Tarbuunka,  illaa Ex Koontarool Afgooye iyo meelo kale.

Xirnaanshiyaha waddooyinka muhiimka ah ee magaalada ayaa ku kaliftay dadka inay maalaan lugahooda masaafo aad u dheer si ay eheladooda iyo asxaabtooda ay u booqdaan.

Lama oga sababaha dhabta ah ee loo xiray waddooyinka, ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan xirnaanshaha waddooyinka.

Goobjoog News