U bood dhigaalka

Reuters: Dhaxal Sugihii Sacuudiga Waxaa Xilka Looga Qaaday Daroogo Darteed

Sheeko:Dalka

Ilo ku dhaw boqortooyada Sacuudiga ayaa u sheegay wakaallada wararka ee Reuters in dhaxal sugihii hore ee Sacuudiga Maxamed Bin Nayif xilka looga qaaday arrimo la xiriira daroogo.

Maxamed Bin Nayid ayaa la sheegayaa in aad u isticmaali jiray maan-dooriyaha loo yaqaano cocaine, sidoo kale waxaa uu dhowr jeer ku hurday xaflado kadib markii xilkaas loo magacaabay 2015-kii.

Go’aanka lagu ceyriyay Maxamed Bin Nayid waxaa gaaray hey’adda Beycada dalka Sacuudiga oo ka kooban 34 xubnood.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in ninkan uu daroogiste ahaa waqti dheer, marar bandanna ay kula taliyeen Boqor Cabdalla iyo Boqor Salmaan in uu is daaweeyo.

Goobjoog News