U bood dhigaalka

Ridwaan Xaaji Cabdiweli: 503 Al-shabab ah ayaa ka faaidestay cafiska dowladda

Sheeko:Dalka

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa galabta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa oo shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed.

Shirka waxaa lagu meel-mariyeen heshiis isfaham oo u dhexeeya Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa sheegay in heshiiskan looga golleeyahay in la isla meeldhigo barnaamij sharci-dejinneed oo hortabinta leh, si labada dhinac u fuliyaan hawlaha loo kala muddeeyeyna lagu dhammaystiro.

“Heshiiskan wuxuu qeexayaa isfahamka u dhexeeya Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan sharci dejinta hortebinta u leh kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka, si loo xaqiijiyo isla-xisaabtan iyo tayeynta hawlqabad-dawladeed hufan oo ka jawaabaya u adeeggida danaha guud ee dadweynaha.” ayuu yiri R.W Cabdiweli.

Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo Saxaafadda la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay in shirka golaha Wasiirrada warbixin ku aadan amniga guud ee dalka laga dhageystay Wasaarrada Amniga Qaranka, isla markaana lagu meel-mariyay hindise sharciyeedka Khayraadka Biyaha oo dhawaan la horkeenay golaha Wasiirrada si ay uga doodaan.

“Kulankii galabta ee golaha Wasiirada waxaa looga hadlay amniga guud ee dalka iyo dadaalada ay Xukuumaddu wado ee la xiriira amniga iyo howlgallada ka socda gobollada dalka, sidoo kalana waxaa laga dooday shuruuc dhowr ah oo golaha horyaalla, waxaana la meelmariyay hindise sharciyeedka Khayraadka Biyaha.” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Ridwan Xaji Cabdiweli.

Ugu dambeen Afhayeenka, ayaa sheegay in 45-tii cisho ee Xukuumaddu u qabatay in ay isku soo dhiibaan si ay u helaan cafis dhalinyarada la qalday ee u dagaallamaya Al shabaab ay ka faa’iidaysteen 503 maleyshiyaad, sidoo kalana ay Xukuumadda wada hadal kula jirto 153 kale oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.