U bood dhigaalka

Ridwaan Xirsi Maxamed oo beeniyay inuu jiro khilaaf u dhaxeeya madaxda dowladda

Sheeko:Dalka

Raisulwassare ku xigeenka ahna wasiirka diinta iyo owqaafta xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Ridwaan Xirsi Maxamed oo war baahinta lahadlay kadib shir golaha wasiirada galabta ay yeesheen ayaa ka war bixiyey wax yaabihii kulanka looga hadlay.

Mudane Ridwaan ayaa sheegay in dowladdu ay sii wadi doonto ololaha ka dhanka ah hubka sharci darada ah ee dhawwaan xukuumaddu ay bilowday, si looga hortago dilalka iyo falalka kale ee ammaan darro ee ka jira magaalada Muqdisho.

Wasiirka waxaa uu beeniyey wararka sheegaya in xil ka qaadistii agaasimaha hey’adda nabad sugidda qaranka C/llaahi Maxamed Cali sanbaloolshe ay khilaaf ka dhex abuurtay madaxda dowladda.

Mar uu soo hadal qaaday shirka dib u heshiisiinta beelaha Jubbooyinka iyo Gedo ee ka socda magalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, ayaa wasiirku ka maqnaanshaha Barre Hiirale ee shirka wuxuu ku macneeyey cillad farsamo, dowladduna ay ku howlan tahay sidii dhinacyada oo dhan ay shirka uga mid noqon lahaayeen.