U bood dhigaalka

Roob Biyo Dhigay Wadooyin Badan Oo Ka Da’ay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa xalay iyo saaka ka da’ay roob biyo dhigay wadooyin badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaasi oo sidoo kale meelaha qaar sababay inay hakadaan isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Saqdii dhexe ee xalay ayeey roobabkani ka da’een magaalada Muqdisho, iyaga oo saaka sidoo kale xoogeystay.

Wadada weyn ee Makka Al-mukarrama ayaa waxaa lagu arkayay biyo aad u xoogan oo kasoo rogmaday wadooyinka kale ee magaalada, gaar ahaan kuwa xaafadaha ah.

Inta u dhaxeyso isgoyskyada KM-4 iyo Km-5 (Zoobe) ayaa lagu arkayay daad badan oo ku rogmanayay wadada aada Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Meelo kale oo ka mid ah wadadooyinka Makka Al-mukarrama, Wadnaha iyo 30-ka biyo badan ayaa degay.

Roobka xilliga deyrta ah ayaa ka billawday magaalada Muqdisho iyo sidoo kale guud ahaan gobalada dalka, iyadoo laga digayo saameyn uu roobkani ku yeesho dadka ku dhaw deegaanada uu Wabiga maro.

Goobjoog News