U bood dhigaalka

Roob Khasaare Nafeed Geystay Oo Ka Da’ay Magaalada Hargeysa

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland ayaa shaacisay in Saddex carruur ah ay ku geeriyoodeen roob xalay illaa iyo saakay ka da’ayey magaaladaasi iyo nawaaxigeeda.

Wasiirka wasaaraddan Maxamed Kaahin oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in sidoo kale la badbaadiyey in ka badan 50 qof, kadib daad kasoo rogmaday roobkan.

Sidoo kale, roobkan ka da’ay Hargeysa ayaa saameeyay isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha ee xaafadaha magaaladaasi.

Biyo badan ayaa fariistay waddooyin muhiim ah oo ku yaalla magaalada Hargeysa, waxaana sidoo kale jira burbur soo gaaray waddooyinka qaarkood.

Biyaha oo aan helin meello ay maraan ayaa waxay keentay iney ku noqdaan xaafado ay deggan yihiin  dad dan yar ah.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada