U bood dhigaalka

Roob Ka Curtay Degaanno Ka Tirsan Gedo

Sheeko:Dalka

Iyadoo inta badan gobollada dalka Soomaaliya xilligani yihiin kuwa ooman oo u baahan raxmadda Alle ayaa la soo sheegayaa in degaanno ka tirsan gobolka Gedo uu ka da’ay roobka deyrta.

Roobka deyrta ah ee ka curtay degaanno ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya halkaasoo maalmihii la soo dhaafay laga sheegayay abaaro daran inay ka jiraan.

Degaannada ay roobabka ka curteen waxaa kamid ah Ceelwaaq iyo Buuzaar ee gobolka Gedo.

Mid kamid ah dadka degaanka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in roobka curtay ay aad ugu faraxsan yihiin islamarkaana muddo ay la’aayeen biyo ay cabaan.

Degaannada fog fog ee gobolka Gedo oo dadka reer miyiga ah ay ku nool yihiin ayaa weli helin wax roob ah.

Goobjoog News