U bood dhigaalka

Roob Ka Da’ay Cadaado Oo Saameeyey Ganacsatada

Sheeko:Dalka

Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxaa ka da’ay roob saameyn ku yeeshay ganacsatada ku dhaqan magaaladaasi, gaar ahaan hareeraha laamiga.

Magaaladan oo aan lahayn meelo ay biyaha Maraan ayaa waxay taasi keentay in biyo badan ay fariistaan waddooyinka muhiimka ah ee magaaladaasi.

Qaar ka mid ah ganacsatada ku sugan hareeraha laamiya weyn ee Cadaado ayaa sheegay in aysan hadda ganacsan, sababtuna waxay ku sheegeen dhiiqo ka dhalatay biyaha roobka oo hortooda fariistay, dadkii aanay u imaan karosoo geli karin.

“Annaga waxaan ku ganacsanaa hareeraha laamiga, waxaana buuxsamay dhiiqo, gaadiidka ayaa kugu soo firdhinaya, cid kuu imaanaysa malahan, marka dhowr maalin shaqo la’aan baan noqonnay” sidaasi waxaa Goobjoog u sheegtay mid ka mid ah haweenka ku ganacsada Cadaado.

Ugu dambeyn, dadka Cadaado ayaa ka dalbaday maamulka degmadaasi inuu wax ka qabto waddooyinkaan burbursan.

Goobjoog News