U bood dhigaalka

Roob Ka Da’ay Magaalada Gaalkacyo Oo Saameyn Ku Yeeshay Ganacsigii Iyo Isku Socodkii Dadka

Sheeko:Dalka

Roob xooggan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka da’eay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, kaasi oo saameyn ku yeeshay ganacsigii magaalada iyo sidoo kale isku socodkii dadweynaha.

Wadooyinka waaweyn ee magaalada ayaa biyo badan fariisteen, waxaana taasi ay sababtay in aanu badnaan isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Wariyaheena Cali Nuur Cayn oo ku sugan Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in guryo badan ay dhex fadhiyaan biyo, dadkiina ay ka barakaceen guryahooda.

Sidoo kale waxaa inta badan maqan adeegii korontada ee magaalada Gaalkacyo, waxaana jira korontooyin go’ay, iyadoo matooradiina ay densan yihiin.

Suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo ayaa isna la la’yahay meel loo maro ka dib wadooyinkii laga gelayay oo biyo badan fariisteen.

Illaa iyo haatan ma muuqato qorshe ay wadaan maamulada Galmudug iyo Puntland, taasi oo ku aadan in ay wadooyinka Biyaha ka saaraan, marka laga reebo shacabka oo si iskiis ah isugu gurmanayo.

Waa roobkii ugu weynaa oo inta la xusuusto ka da’a magaalada Gaalkacyo, xilli uu dhawaan curtay roobka xilliga Deyrta.

Goobjoog News