U bood dhigaalka

Roob Ka Da’ay Magaalada Muqdisho Oo Saameeyay Dad Barakacayaal Ah

Sheeko:Dalka

Roob habeenkii xalay ahaa illaa saaka waabarigii ka da’ayey magaalada Muqdisho ayaa saameyn ku reebay dadka barakacayaasha ah ee magaalada ku nool.

Qaar ka mid ah kaamamka ay ku noolyihiin dadka barakacayaasha ah ayaa lagu soo waramayaa inay galeen biyo saameeyay halkii ay gambaadka ka dhiganeen iyo sidoo kale agabyadii ay guryahooda u isticmaali jireen.

Maano Axmed Cali waxay ka mid tahay barakacayaasha ku nool degmada Yaaqshiid, waxa ay Goobjoog u sheegtay in habeenkii xalay ahaa oo dhan aanay seexan, islamarkaana roobkii da’ayey uu dushooda ku dhamaaday.

Sidoo kale Haweeneydan ayaa sheegtay in guryaha ka sameysan cooshadaha iyo bacaha la’isku keenay aanay roob ka celinayn, sidaa darteedna roobka uu meello badan kasoo galay.

Barakacayaasha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa u baahan gurmad dhan walbo leh, waxaana hadda ugu daran wax walbo oo ay kaga badbaadi karaan roobabka da’aya.

Goobjoog News