U bood dhigaalka

Roob Ka Da’ay magaalada Muqdisho Oo Saameyn Ku Yeeshay Wadooyinka Magaalada Qaarkood

Sheeko:Dalka

RoobMagaalada Muqdisho waxaa shalay ka da’ay roob aan saacado badan socday, hase ahaatee biyo badnaa, kaa oo saameyn ku yeeshay wadooyin badan oo dadka iyo gaadiidka isticmaali jireen.

Wadada muhiimka ah ee Makka Al-mukarrama waxaa biyo dhigay roobkaan oo aad u badan, waxaana la arkayaa meelo badan oo biyo fariisad noqday.

Nawaaxiga halka loo yaqaano Taree Biyaano, Inta u dhaxeysa Isgoyska Shaqaalaha iyo Dabka ayaa ah meelaha biyahu ay fariisteen.

Wadadaasi dhawaan ayaa la dhisay, hase ahaatee malahan meelo ay biyaha ka baxaan, waana mida sababtay in meelo badan ay biyahu degaan.

Marka laga soo tago laamiga dhisan ee Makka Al-mukarrama waxaa intaasi ka dheer, wadada Wadnaha oo aan haysan wax dayactir ama dib u dhis ah, waxaana maalinba maalinta ka dambeysa sii bur burta qeyb ka mid ah wadadaasi.

Marka laga soo bilaabo Isgoyska Sanca ilaa iyo Isgoys Tarabuunka oo wado dheer ay xiriirso waxaa adag in si fudud aad halkaasi kasoo gaarto, waxaana gaadiid ay yihiin kuwo xaafadaha sii maraya.

Wadiiyinka oo aad u bur bursan ayaa hadana waxaa fariistay biyo aad u badan, waxaana sii bur buray meelihii dayactirka horay ugu sameeyeen maamulkii hore ee gobalka Banaadir, uuna hogaaminayay Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Dhanka kale waxaa go’an wado muhiim ah oo isku xiraysay Isgoysyada Bakaaraha iyo Dabka, waxaana meel ku dhaw Isgoyska Bakaaraha ka qodmay Boholo waaweyn.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo ganacsatada Soomaaliyeed ayaa xilligaan ah kuwa laga sugayo in wadooyinkaasi ay wax ka qabtaan.

Goobjoog News