U bood dhigaalka

Roob Ka Da’ay Muqdisho & Barakacayaasha Oo La Meel Ay Biyaha Ka Galaan

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho abaare Salaadii subax ee saakay waxaa ka bilowday roob ay dadka ku diirsadeen, inkastoo ay jiraan dad sida uu roobka u billowday illaa hadda uu ku dul da’ayo.

Roobkan ayaa biyo dhigay waddooyinka ugu waaweyn ee magaalada Muqdisho, waxaana dadku qaarkood yihiin kuwo weli aan bannaanka u bixin.

Barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho oo iyagu deggan badi guryo ka sameysan cooshado iyo baco la’isku keenay ayaan haysan meel ay ka galaan roobkan.

Qaarkood waxaa ku dul billowday roobka oo illaa hadda ku dul da’aya waxaana jira qabow la socda roobka.

Gaadiidka dadweynaha ayaa inta badan shaqeyneyn magaalada Muqdisho, waxaana la arkayaa dadka qaar oo lugeynaya.

Goobjoog News