U bood dhigaalka

Roob Ka Da’ay Muqdisho Oo Sameeyey Barakacayaasha Iyo Isku Socodkii Magaalada

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho  waxaa saakay ka da’ay roob saacado socday, kaasi oo saameyn weyn ku yeeshay isku socodkii dadweynaha iyo sidoo kale dadka barakacayaasha ah.

Biyahii kasoo hooray roobkay ayaa waxay buux dhaafiyeen waddooyin muhiim ah oo magaalada Muqdisho ah, waxayna taasi keentay in gaadiid badan ay ka baqaan ku socoshada biyahaasi.

Wadada Makka Al-mukarrama oo ah waddo aad u mashquul badan ayaa la arkayey iyadoo gaadiidka aanay sidii hore ugu socon, waxaana wadadaasi aad u mara biyaha kasoo rogmada xaafadaha ku dhow.

Dhanka kale, kamaamka ku yaalla Muqdisho iyo duleedyadeeda waxaa saameeyey roobkan maadaama ay ka sameysan yihiin cooshado aan u adkeysan karin biyaha.

Dadkan ayaa u baahan gurmad degdeg ah oo waliba dhan walbo ah, waxaana hadda ugu daran meel ay gambaad ka dhigtaan si iyaga iyo carruutooda aanu u saameyn roobka kale ee imaan kara.

Goobjoog News