U bood dhigaalka

Roob Khasaare Nafeed Geystay Oo Ka Da’ay Gobalka Jubada Hoose

Sheeko:Dalka

Roobab khasaare geystay ayaa ka da’ay saacadihii la soo dhaafay degmada Badhaadhe ee gobalka Jubada Hoose.

Wararku waxay sheegayaan in roobabka ay ahaayeen kuwo aad u xooggan, iyaga oo da’ayey saacado badan sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah dadka degmada ku dhaqan.

Inta la hubo Hal qof ayaa ku geeriyooday daadkii ka dhashay roobabkii da’ayay ka dib markii gurigii uu ku jiray ay biyaha la tageen.

Faarax Haybe oo ka mid ah saraakiisha Jubbaland ayaa u sheegay Goobjoog News, in sidoo kale roobabka ka’day badhaadhe ay la tageen guryo badan, waxyeelo xoogganna soo gaarsiiyeen dalag beereed.

Roobka xilliga deyrta ah oo ka da’aya gobalada dalka ayaa inta badan yeelanaya saameyn daran, waxaana dhibaatada ugu daran ay soo gaaraysaa dadka ku dhaqan dhulalka baadiyaha ah.

Goobjoog News