Roob Lagu Diirsaday Oo Ka Da’ay Degmada Buuhoodle, Togdheer

Roob ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa ka da’ay degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer iyo deegaanno kale oo ku dhow degmadaasi.

Roobka oo socday in ka badan 48 saac ayaa lagu soo waramayaa inuu biyo dhigay meello badan oo magaalada ah, sidoo kalena waxay biyo galeen warihii ku yaalla deegaannada ku dhow degmadaasi.

Qaar kamid ah dadka ku dhaqan degmadaasi iyo nawaaxigeeda ayaa sheegay iney aad ugu farxeen nimcaddaasi kadib markii muddo badan oo ay oo manaayeen ay heleen roob.

Deegaannada gobolka Togdheer waxaa ka jirtay sanadihii ugu dambeeyay abaar baahsan oo saameysay dadka iyo deegaannada.

Roobka xilliga Gu’a ayaa ka curtay inta badan gobolka dalka, xilli abaar daran ay jirtay.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW