U bood dhigaalka

Roob Saacado Badan Ka Da’ay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Xalay fiidkii waxaa magaalada Muqdisho ka billawday roob soconayay in ka badan 10 saacadood, kuwaasi oo soo gaaray illaa iyo saaka.

Roobkaan ayaa biyo dhigay wadooyin badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale uu saameyn ku yeeshay dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan magaalada.

Wadooyinka Wadnaha iyo 30-ka oo ah kuwo burbursan waxaa fariistay biyo badan oo kasoo rogmaday xaafadaha qaar ee magaalada Muqdisho.

Gaadiidka magaalada Muqdisho ayaa saaka si aad ah u shaqeyneen, iyadoo roobka uusan u socon sidii xalay, hadane goobaha gaadiidka laga raaco ee magaalada waxaa lagu arkayaa shacab badan oo taagan.

Roobka xilliga deyrta ah ayaa ka billawday guud ahaan gobalada dalka Soomaaliya, waxaana meelaha qaar roobkani uu ku reebay saameyn ballaaran.

Goobjoog News