U bood dhigaalka

Roob Saameeyay Dadka Barakacayaasha Ah Oo Ka Da’ay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Xalay saq dhexe illaa iyo saakay waxaa magaalada Muqdisho ka da’ay roob xooggan, kaasi oo saameeyay dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan magaalada.

Roobka ayaa bilowday abaare 2-dii saq dhexe ee xalay, wuxuuna yara joogsaday abaare 9-kii subaxnimo ee saakay, iyadoo biyo badan uu dhigay roobkan waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho.

Dadka barakacayaasha oo markii horeba deganaa guryo ka sameysay baco iyo waxyaabo kale oo aan biyaha u adkeysan kareyn ayaa waxaa u galay biyo aad u badan.

Dadkan ayaa illaa saakay waxay ku dhex jireen biyaha, iyaga oo u baahan in gurmad degdeg ah lala gaaro, haba ugu horreeyaan Bustayaal iyo sidoo kale guryo u adkeysan kara roobka.

Dhanka kale, Roobka ayaa bacaad badan dhigay waddooyinka waaweyn ee Muqdisho sida Makka Al-mukarrama qeybo kamid ah, Wadnaha gabi ahaan iyo sidoo kale wadada 30-ka.

Sidoo kale wuxuu roobka burburiyey wadada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha oo maalmahanba dib u dhis lagu waday, hase ahaatee wuxuu ka qodey boholo waaweyn, wuxuuna shaqadooda dib ugu celiyey dadkii ku howlanaa dhismaha laamigaasi.

Sawirada Hoose waa wadada isku xirta Dabka iyo Bakaaraha:

1133 1122

Goobjoog News