U bood dhigaalka

Roob Sii Kordhiyey Fatahaadda Wabiga Shabelle Oo Ka Da’ay Magaalada B/weyne

Sheeko:Dalka

Roob xooggan oo soo rogay daad badan ayaa xalay lagu soo waramayaa inuu ka da’ay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo saaka barac ballaaran uu ka socdo magaaladaasi.

Wariyaha Goobjoog News ee gobolka Hiiraan Khaalid Ilka Case ayaa soo sheegaya in wabiga oo maalmahan ku fatahayey xaafadaha Baladweyne ay saaka arrintu uga sii dartay daadka kasoo rogmaday roobakii xalay da’ay.

Fatahaadda Wabiga Shabelle ayaa gaartay xaafado badan oo ka mid ah magaalada Baladweyne, iyadoo saaka laga barakacayo xaafado horay ay dadku u deganaayeen.

Dadka intiisa badan waxay aadayaan dhanka deegaanka Ceeljaalle, iyadoo sanad walbo sidaan oo kale Wabiga u fataho.

Wabiga mara magaalada Baladweyne malahan biyo xireenno waaweyn, waxaana jirtay digniin horay looga bixiyey fatahaad inuu sameeyo wabigaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News