U bood dhigaalka

Roobaab Khasaare Dhaliyay oo Ka Da’ay Inta Badan Dowlad Deegaanka Soomaalida

Sheeko:Dalka

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxay Roobab 48-kii saac ee lasoo dhaafay ka da’ayay deegaanno ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida, waxaana lasoo warinayaa in ay jiraan khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed oo aad u badan oo ka dhashay daadad xooggan oo roobku keenay.

Roobabka oo watay daadad xooggan oo ka da’ay qaar kamid ah gobollada dowlad deegaanka Soomaalida ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday 50 ruux, oo siyaabo kale duwan daadad ugu qarqoomay, waxaa sidoo kale daadadku ay la tageen xoolo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 19 kun.

Daadadka ka dhashay Roobabka ayaa waxaa sidoo kale ku barakacay qoys badan, kuwaas oo deganaa dhulka ay fadahaaduhu ka dhaceen ee Wabiga uu ku fatahay, waxaana ilaa iyo hadda socda gurmadka uu wado maamulka ee lagu samata bixinayo dadka uu saameeyay daadadka dhacay.

Roobka da’aya oo qeyb ka ah xilliga Gu’ga ayaa waxaa inta badan sanadkaan ka dhashay fatahaado ka dhacay deegaanno kale duwan oo ay Soomaalidu degto, dowlad deegaanka Soomaalida ayaa inta badan dadka degan dhulka dooxooyinka ah waxaa ay la kulmaan khasaare xoogggan.

Xilli Roobaad Gu’ga ayaa sanadkaan si wanaagsan uga curtay guud ahaan dalka waxaana dadka reer guuraaga ah ay sheegayaan inta badan gobollada dalka Roob fiican laga degay, waxaana taas barbar socotay daadad fatahaado ka dhacay magaalooyin dhowr ah oo dhaliyay khasaare kale duwan.

Goobjoog News