U bood dhigaalka

Roobab Dabaylo Wata Oo Ka Billawday Magaalada Jowhar Ee Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay ka bilawdeen roobab xooggan oo wata Dabaylo.

Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Shabellaha Dhexe Aadan Xuseen Daa’uud ayaa soo sheegaya in illaa iyo saaka roobabka wata Dabaylaha ay socdaan, islamarkaana loo maleynayo inay qeyb ka tahay saadaashii El Nino.

Dabayshan iyo roobabkaan socda ayaa saameyn ku yeeshay isku socodka dadweynaha ee degmada Jowhar, waxaana jira guryo badan oo daadad ku rogmadeen, balse weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay.

Dhinaca kale adeeggii Korontada ee degmada Jowhar ayaa saaka ah mid maqan, ka dib roobka oo laga baqay in saameyn xooggan uu ku yeesho Korontada iyo in khasaare kale uu ka dhasho.

Deegaanno ka mid ah gobalka Shabellaha Dhexe waxaa ka billawday roobka Xilliga deyrta, waxaana cabsida ugu daran ay tahay dabaylo xoog badan oo roobabka la socda iyo Wabiyada oo kusoo fataha deegaanada ay maraan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Gobjoog News