U bood dhigaalka

Roobab Dumiyay Guryo Badan Oo Ka Da’ay Deegaanka Xinlibi Ee Gobalka Mudug

Sheeko:Dalka

Roobab saacadihii ugu dambeeyay ka da’ay deegaanka Xinlibi ee gobalka Mudug ayaa saameyn ku yeeshay bulshada ku nool halkaasi.

Roobabkaan ayaa la sheegay in ay burburiyeen in ka badan 15 guri oo halkaasi ku yaalla, sidoo kalena ay biyo dhigeen meelo badan oo deeegaanka Xinlibi ka mid ah.

Shariif Xasan Axmed oo ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Xinlibi ayaa u sheegay Goobjoog News, in roobkani uu watay dabaylo sababay inay guryaha dumaan, sidoo kalena deegaanka uu kala xirmay.

Guud ahaan deegaanka Xinlibi ayuu sheegay in aanay ka jirin wax ganacsiga ah, waxaana uu tilmaamay in hadii roob kale uu da’o laga baqayo dhibaatada inay intaan kasii badato.

“Roob badan buu ahaa, guryo badan wey dumeen oo illaa 15 ah, magaalada dhan biyo baa fadhiya, waxaa kala go’ay isku socodkii dadweynaha, ganacsi dhan magaalada kama jirto, maamulka Galmudug waxaan ka codsaneynaa in ay nala soo gaaraan qalab biyaha looga saaro magaalada”

Deegaanno badan oo ka mid ah gobalada dalka waxaa ka billawday roobka xilliga deyrta ah, kaasi oo saameyn badan yeeshay.

Goobjoog News