U bood dhigaalka

Roobab Ka Da’ay Degmada Buurhakaba Oo Jaray Buundadii Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Roobabka xilliga Deyrta ah oo ka da’ay degmada Buurhakaba ee gobalka Baay ayaa lagu soo waramayaa in saameyn xooggan ay ku reebeen degmadaasi, iyadoo ay burburtay qeyb ka mid ah Buundadiid degmadaasi.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee degmada Buurhakaba oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Buundada qeyb ka mid ah ay duntay, islamarkaana saameyn ay taasi ku reebtay dadkii shacabka ahayd.

Waxa uu gudoomiye ku xigeenka sheegay in Buudadaan ay tahay midda kaliya ee isku xireysay isku socodka dadweynaha ee degmadaasi, sidoo kalena ay halkaasi isticmaalayeen gaadiidka ka dhex shaqeeya Muqdisho iyo degmada Baardheere ee gobalka Gedo.

“Qiyaas ahaan 240 Tallaabo ayeey Buundada ka burburtay, meel yar ayeey hadda iska haysataa, waxay ku dhawaday in iyada dhan ay dunto, hadii aan wax laga qaban xaalad adag ayaa ka dhalan doona, sababtoo ah Buundadaan Baardheere illaa Muqdisho ayaa loo isticmaalayay” ayuu yiri Gudoomiye Maankaalow.

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in dhimasho ay ka dhalatay daadad ku fatahay deegaanno ku dhaw degmada Buurhakaba, inta la ogyahay Laba qof ay dhinteen, sidoo kalena shacab badan ay kusoo barakaceen degmada Buurhakaba, ka dib markii guryahooda ay Biyo badan buuxiyeen.

Roobabka xilliga deyrta ah oo ka da’ay deegaanno ka mid ah gobalada dalka, ayaa saameeyey shacab badan, waxaana roobabkaasi ka dhashay daadad xooggan, xilli weli ay jirto cabsi ah in waxyeeladu ay intaan kasii badato.

Goobjoog News