U bood dhigaalka

Roobab Ka Da’ay Gobolka Sool Oo Jaray Waddooyin Muhiim Ah

Sheeko:Dalka

Labadii maalin ee ugu dambeeyay waxaa deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Sool ka da’ay roobab saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Roobabkan da’ay ayaa waxay daad kusoo rogeen dooxooyinka kala ah Casuura, Qarashla iyo Durduura, waxaana ay saameeyeen wadooyin muhiim ahaa.

Labo maalin oo xiriir ah ma jiraan wax dhaqdhaqaaq shacab ah iyo gaadiid intaba, waxaana wadooyinka ay noqdeen kuwa bubur uu soo gaaray.

Cabdirisaaq Maxamuud Jaamac oo ka mid ah dadka xoolo dhaqatada ah ee ku dhaqan deegaanka Abeesaale oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in deegaannadooda ay aad ugu riyaaqeen maadaama abaar ay ka jirtay halkaasi.

Wuxuu sheegay in biyo badan ay ka heleen roobkii, islamarkaana ay ka faa’ideysan doonaan roobabkan maadaama ay xoolo dhaqato yihiin.

Ma jirto waxyeello ka dhalatay roobabkii ka da’aya gobolka Sool marka laga reebo waddooyinka xirmay.

Goobjoog News