U bood dhigaalka

Roobab Ka Da’ay Muqdisho Oo Saameeyey Dadka Barakacayaasha Ah

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa ka da’ay xalay illaa iyo saakay roobab iyadoo sidoo kalena habeennadii ugu dambeeyey sidan oo kale magaalada uga da’ay roob qabow wata.

Hadaba roobabkan ayaa saameyn ku yeeshay dadka barakacayaasha ah ee ku nool xeryaha dadka soo barakacay ee Muqdisho.

Nuurto Cali waxa ay ka mid tahay dadka kusoo barakaca Muqdisho, waxay sheegtay in roobkii xalay illaa iyo saakay da’ayey uu dushooda ku dhammaaday, iyadoo aan haysan meel ay gambaad ka dhigtaan.

Waxa ay sheegtay Nuurto in ay ka qoyeen dhammaan dharkii, cuntadii iyo meeshii ay seexanayeen, sababtuna waxay tahay guryaha ay deggan yihiin oo ka sameysan cooshado aan biyaha celin karin.

Sidoo kale, barakacayaal ku sugan Muqdisho ayaa dhibaatooyin kala kulmay roobabkii da’ay waxayna dhammaantood si mid ah uga codsadeen dowladda federaalka Soomaaliya in gurmad ay lasoo gaarto.

Xilli roobeedka ayaa aad u saameeya dadka barakacayaasha ah oo aan jirin gurmad ay ka helaan dowladda iyo hay’adaha samofalka ah.

Goobjoog News