U bood dhigaalka

Roobab Ka Da’ay Muqdisho Oo Saameeyey Dadka Barakacayaasha

Sheeko:Dalka

Xalay illaa saakay waxaa magaalada Muqdisho ka da’ay roob, kaasi oo saameyn ku yeeshay dadka barakacayaasha ah ee ku nool kaamamka magaalada ku yaalla.

Roobabkan ayaa sidoo kale waxa ay biyo dhigeen waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay jareen qaar ka mid ah waddooyin muhiim u ahaa isku socodka gaadiidka.

Xaliimo Cabdi oo ka mid ah horjoogayaasha kaam ku yaalla degmada Kaxda ayaa Goobjoog News, u sheegtay in roobabkii xalay ay burburiyeen guryo ay deganaayeen dadka barakacayaasha ah.

“Roobka saameyn weyn ayuu reebay, waxa uu burburiyey guryo badan oo dadka barakacayaasha deganaayeen, raashiinkii ay haysteen biyaha ayaa la tagay, hadana meel bannaan ah ayeey fadhiyaan” ayeey tiri Xaliimo.

Dhanka kale, Xaliimo ayaa ugu baaqday maamulka degmada Kaxda, gobolka Banaadir iyo hay’adaha samofalka in gurmad degdeg ah lasoo gaaraan dadkaasi.

Goobjoog News