U bood dhigaalka

Roobab Ka Da’aya Degmada Jowhar Oo Saameyn Ku Yeeshay Barakacayaasha Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maalintii Lixaad waxaa roobabka xilliga deyrta ah ay ka da’ayaan degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabellaha Dhexe, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay dadka Barakacayaasha ee ku nool degmadaasi.

Xaafadda Horseed ee degmada Jowhar waxaa ku dhaqan qoysas badan oo barakacayaal ah, waxayna deggan yihiin guryo ka sameysan cooshado iyo baco, waxaana taasi ay keentay in dadka ay u nuglaadaan qabow iyo biyaha roobka.

Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Shabellaha dhexe Aadan Xuseen Daa’uud ayaa soo sheegaya in roobabka sidoo kale uu saameyn ku yeeshay isku socodka guud ee shacabka iyo ganacsigii degmadaasi ka jiray.

Dadka barakacayaasha qaarkood uu la kulmay ayaa waxay u sheegeen in xaaladooda ay aad u liidato, una baahnaan lahaayeen baco ay roobka ka galaan iyo wax ay cunaan.

Dhinaca kale maalmaha sabtida iyo Axada waxaa degmada Jowhar ka jiray ganacsi xooggan, iyadoo maalmahaasi suuqa ay yimaadaan dad deggan deegaanada ku dhaw degmadaasi si ay u dukaameystaan, laakiinse Todobaadkaan sidii la rabay waxba uma socdaan oo roobka ayaa hakad geliyay.

Maamulka degmada Jowhar iyo shacabka qaarkood ayaa iyaguna aad ugu mashquulsan carro tuurka loo sameynayo Wabiga Shabellaha oo aad usoo biyo buux dhaafiyay.

Roobabka xilliga deyrta ah ayaa ka curtay deegaanno badan oo ka mid ah gobalka Dalka, xilli laga digayo qataro nafeed oo ka imaan karta roobabkaasi.

Goobjoog News