U bood dhigaalka

Roob Khasaare Geystay oo Ka Da’ay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa Xalay Magalaada Muqdisho ka da’day ma hiigaan ahaa, oo daad watay kaas oo keenay in ay ka dhalato dhibaato naf iyo maal leh.

Xaafado ka tirsan Muqdisho oo la soo xiriiray Goobjoog News ayaa sheegaya in roobkaasi uu dhibaato u geystay qoysas badan, oo qaarkood la la’yahay halka qaar kale isbitaallo jiifaan.

Dhanka kale, waxaa uu burbur soo gaaray guryo ku yaalla xaafadaha Muqdisho kuwaas oo meelo hoose ku yaalay, daadka u galay halka guryaha qaar ay xalay oo dhan biyo dhaamin ku jireen.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in barakacayaasha ay sidoo kale soo wajahday dhibaato adag taas oo ka xanuun badan dadka ku nool xaafadaha.

Weriyeyaasha Goobjoog ayaa ku kallahay qeybo ka mid ah degmooyinka Xamar, wixii ka soo baxa la soco

Goobjoog News