U bood dhigaalka

Roobab lagu diirsaday oo ka da’ay Gedo

Sheeko:Dalka

Roobabka xilliga deyrta ayaa ka curtay deegaano ka mid ah gobolka Gedo.

Deegaano dhowr ah oo hoos yimaada degmada Balad Xaawo ayay ka da’een roobabkan waxaana lagu soo waramayaa in ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada.

Roobabka ayaa biyo dhigay tuulooyin ay ka mid tahay Tuulo barwaaqo iyo tuulooyin u dhow dhow.

Mid ka mid ah wax garadka Garbahaarey oo lagu magacaabo Awliyo Sheekh ayaa u sheegay Goobjoog FM in roob ay ku diirsadeen dadka ay abaartu taabatay iyo duunyada gobolka uu halkaa ka da’ay 12-kii saac ee u dambeysay.

Gobolka Gedo ayaa ah gobolka ay sida ba’an u saameysay abaarta iyo macluusha ka jirta dalka gaar ahaan gobolada koofureed.