U bood dhigaalka

Roobabka Xilliga Deyrta Oo Ka Curtay Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Warara ka imaanaya degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in 12-kii saac ee lasoo dhaafay halkaasi uu ka da’ay roobka xilliga deyrta.

Roobakani ayaa ahaa mid ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada, waxaana wararku ay sheegayaan in shacab badan ay ka faa’ideysteen biyaha roobkaasi.

Wariyaha Goobjoog News, Cabdiweli Tooxow oo ku sugan degmada Dhuusamareeb ayaa sheegay in curashada roobkani uu yimid xilli biyo la’aan baahsan ay ka jireen deegaanno badan oo hoostaga degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud.

Gobalo badan oo dalka ah waxaa ka curtay roobka xilliga deyrta, iyadoo dhinaca kale laga digay waxyeelo ka dhalata roobabkaan, gaar ahaan gobalada ay marayaan wabiyada Jubba iyo Shabelle.

Goobjoog News